Sawirro: Wasiirka Beeraha & Waraabka Puntland oo kulan barasho iyo is xogwaraysi ah laqaatay dhammaan shaqaalaha Wasaarada
09 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dawladda Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux oo 7dii bishaan xilka Wasaaradda la wareegay ayaa kulan barasho iyo is xogwaraysi ah la qaatay dhammaan shaqaalaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.
Kulankaan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirku Xigaanka Wasaarada Ahmed Siciid Qolonbi, Wasiir Dawlaha Wasaarada Siciid Maxamed Awaare.
Hawl-wadeenada Wasaarada ayaa soo dhoweyey Wasiirada cusub ee Wasaarada iyagoo uga warbixiyey guud ahaan Wasaarada iyo meelaha ay qorshayaasheeda kala marayso.
Ugu danbayntii Wasiirka Cumar oo ay weheliyaan Wasiirku Xigaanka iyo Wasiir Dawlaha ayaa uga mahad celiyey soo dhowaynta hawlwadeenada kulankan oo ahaa isbarasho iyo kala warqaadashada hawlwadeenada Wasaarada.
Wasiir Cabdisamad Yuusuf Dhuux Wasiirka ayaa hawlwadeenada Wasaarada kula dar daarmay sidii loolaba jibaari lahaa shaqada Wasaarada si aan dhulkeena uga helno Quud cunto oo ku filan bulshada reer Puntland ugana baaqsano wax kasta oo meela kale nooga yimaada aana u gaarno isku filaansho.
















