Sawirro: Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland oo daahfuray Bosaso Airport Hotel.

1a1e3a3

09 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa si rasmi ah u daah-furay Bosaso Airport Hotel.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer gobol iyo degmo, oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta Gobolka Bari, maamulka Degmada, Taliska Qaybta Gobolka, Agaasimaha Hay’adda PMPF, isimada dhaqanka, ganacsato, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Ujeeddada daah-furka hotel-kan ayaa ah xoojinta iyo horumarinta adeegyada martigelinta ee magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa la xiriira garoonka diyaaradaha, maadaama uu hotel-ku door muhiim ah ka qaadan doono soo dhoweynta martida gudaha iyo dibadda, iyo fududeynta adeegyada safarka.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee hotel-ka, iyagoo indha-indheyn ku sameeyey tayada adeegyada iyo qalabka casriga ah ee uu ku shaqeyn doono, waxayna ku ammaaneen maamulka iyo howl-wadeennada dadaalka ay geliyeen hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

About The Author