Muuqaal: Guddoomiyaha gobolka Mudug ““Arrimaha ka jira Gobolka waxaan ku wajihi doonaa Shareecada Islaamka”.
10 April 2026 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiweli Jibriil Bayle oo uu wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka, Mudane Cabdulqaadir Warsame Koshin, ayaa maanta shacabka magaalada Gaalkacyo kula tukaday salaaddii Jimcaha ee Masjidka Ramadaan.
Kaddib salaadda, Guddoomiyaha ayaa khudbad kooban ka jeediyay masjidka, isagoo bulshada ku boorriyay inay xoojiyaan nabadda, wadajirka iyo iskaashiga, si loo helo bulsho amni iyo xasillooni ku naaloota. Wuxuu tilmaamay in horumarka Gobolka uu ku xiran yahay sida ay bulshada uga go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo wada shaqeynta.
“Arrimaha ka jira Gobolka waxaan ku wajihi doonaa Shareecada Islaamka. Idinkana waxaan idinka codsanayaa inaad nagu garab istaagtaan, si aan u sugno caddaalad iyo nabad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiweli Jibriil Bayle.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka, kana qeyb qaataan dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarka Gobolka Mudug.