Sawirro: Wasiirka Qorsheynta Puntland oo saxiixay heshiiska wadashaqaynta (Rolling Workplan) oo u Puntland & Unicef, kaas oo $51 milyan….

1a1a2-5

10 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Yusuf Axmed Maxamed (Barre Faatax) oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha Guud, Cabdiqaadir Cabdidaahir ayaa saxiixay heshiis wadashaqayneed (Rolling Workplan) oo u dhexeeya Dowladda Puntland iyo hay’adda Unicef, kaas oo ku kacaya lacag dhan USD 51 milyan, (konton iyo kow milyan oo doollar) muddada u dhaxay 2026 ilaa 2027.

‎Qorshahaan wadajirka ah wuxuu si toos ah ula jaanqaadayaa Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Puntland (2026–2030), gaar ahaan tiirka 4-aad ee horumarinta awoodda bulshada iyo tan aadanaha (Social and Human Capital Development).

‎Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta adeegyada bulshada, oo ay ka mid yihiin: caafimaadka, waxbarashada, nafaqada, biyaha, ilaalinta carruurta (child protection), siyaasadaha bulshada, iyo sidoo kale xoojinta isku-dubaridka, kormeerka, qiimeynta iyo dabagalka barnaamijyada ay hay’addu ka fulin doonto gudaha Puntland labada sano ee soo socota.

‎Dhinaca hay’adda, heshiiska waxaa saxiixday Edith Kabui, madaxa xafiiska Puntland ee Unicef.

About The Author