MD Xasan Sheekh oo u isticmaalay saxiixa wasiir kuxigeenka magacowga Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta KG
11 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiir kuxigeen Arimaha Gudaha DFS Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa ayaa magacaabay Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Xaashida hoose oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dawladda Federaalka oo uu ku saxiixan yahay wasiir kuxigeenku ayuu ku magacaabay giddiga oo ka kooban 10 xubnood.
Waxaa xusid mudan wasiirkii oo jooga in madaxweynde Xasan Sheekh isticmaalo saxiixa wasiir ku xigeenka, isagoo awal horay u isticmaali jiray saxiixa wasiirka.

