Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la shirey qaar ka mid ah Isimmada Puntland kalana hadlay xaaladaha Puntland & doorashooyinka Villa Somalia wadato
11 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa la shirey qaar ka mid ah Isimmada Puntland, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha Puntland iyo doorashooyinka Federaalka ee ay Villa Somalia wadato.
Xasan Shekh ayaa kulanka Isimada uu la qaatay waxay ahaayeren Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo siyaasiyiin.
Xasan Sheekh ayaa doonaya ama diyaarsaday haddii laga diido doorashada uu tashay ee ku sheegay qof iyo cod inuu marka u dambaysa ku adkaysto in lagu laabto odayaasha dhaqanka ee 135 ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hawlan taageerida siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Puntland qaarkood iyo mushaar siinta ciidan uu sheegay inuu ka qortay Puntland ayaa waxa uu iminkabilaabay inuu toos ula macaamilo Isimmada Puntland.










