Sawirro: Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso

1a1b22

11 April 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada duulista hawada iyo tayada garoomada dalka.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka garoonka, gaar ahaan Maareeyaha Garoonka Boosaaso, Mudane Nuur Jaamac Carab, oo warbixin ka bixiyey xaaladda guud ee garoonka, adeegyada uu bixiyo iyo baahiyaha jira.

Intii uu socday kormeerku, Wasiirka iyo Weftigiisa ayaa indha-indheyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee garoonka, iyagoo qiimeeyey habsami u socodka shaqada, amniga iyo adeegyada la siiyo rakaabka.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa xoojin doonta dadaallada lagu casriyeynayo garoomada, korna loogu qaadayo tayada adeegyada si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.

About The Author