Muuqaal: Isimada WB ”Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle dadka ayaan kaa maarmayn, waanu kugarantaaganahay”
11 April 2026 (Puntlandes.com) Isimada WB ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti Ismaaciïl Cumar Geelle, kadib la shaaciyey mar kale 97% ay u doortay hogaanka dalkaasi doorashadii madaxtinimada ee dhowaan ka qabsoontay.
Isimada WB ”Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle dadka ayaan kaa maarmayn, waanu kugarantaaganahay, waxaanu ku leenahay guulayso”
Isimadaoo oo shir saxaafadeed ku qabtay Laascaanood uuna u hadlay Afhayeenkooda Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sheegay in dib u doorashada Madaxweynaha Jabuuti ay muujinayso kalsoonida shacabka reer Jabuuti ay ku qabaan hoggaamintiisa iyo doorkiisa xasillinta gobolka Geeska Afrika ayna taageerayaan soona dhawaynayaan.