Sawirro: Dr Gaas oo si weyn uga dhex muuqday madasha Antalya Diplomacy Forum
19 April 2026 (Puntlandes.com) Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland isla markaasna iminka ah Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika (AU Special Representative) ee South Sudan iyo Madaxa Xafiiska Xiriirka ee AU ee Juba, South Sudan Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa si weyn uga dhex muuqday madasha Antalya Diplomacy Forum.
Sawirro laga qaaday fagaaraha ayaa sidoo kale muujinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan iyo madax kale oo ka mid ah ka qaybgalayaasha kulanka.


