Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga Tacliinta Sare ee dowladda Puntland

1a1b9

19 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

Hoos ka akhriso Xeer madaxweyne:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 kuna saabsan magacaabid Guddiga Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Xeerka Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Tacliinta Sare ee

Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta

Sare ee Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

(Magacaabid Xubnaha Guddiga)

Waxaa Xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, kuwaas oo kala ah:-

1. Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamuud (Hoorri) Guddoomiye

2. Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar G. Ku-xigeen

3. Dr. Xafsa Maxamed Maxamuud Xubin

4. Dr. Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre Xubin

5. Dr. Faadumo Cabdullaahi Maxamed Xoosh Xubin

6. Dr. Aadan Cabdiqaadir Maxamed Xubin

7. Dr. Siciid Axmed Cali Maax Xubin

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About The Author