Muuqaal: Kulan xasaasi ah oo ay mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ku yeesheen Muqdisho

Skärmbild 2026-04-20 193929

20 April 2026 (Puntlandes.com) Siyaasiyiinta Hawiye ee Mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa kulan culus ku yeeshay magaalada Muqdisho.

RW hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay madaxweyne xasan Sheekh si walba wax ugu sheegeen uuna dhagaysan waayey lana gaaray waqtigii dalka laga badbaadin lahaa.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay in ay kala tagto, Xasan Sheekh si kasta wax waan ugu sheegnay” RW hore Rooble

“15 May ka dib Madaxweyne Uma aqoonsanin Xasan Sheekh Maxamuud” Xildhibaan Jeesow

“Meel kasta cabasho ayaa ka taagan, dadka Muqdisho cabsi iyo qalqal ayey ku nool yihiin” Mid kamid ah Nabadoonada Hawiye

“Madaxweynaha Waxaan rajeynaynaa in uu usoo laabto Caqliga, doorasho la diido waxa ka dhalanaya waan garanaynaa” Nabadoon Cabdiqaadir Nuur Jimcaale.

About The Author