Muuqaal-Sawirro: Madaxweyne Deni oo Carmo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka cusub ee Booliiska Dowladda Puntland
29 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo kusoo gaaray degmada Carmo ee Gobolka Bari, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka cusub ee Booliiska Dowladda Puntland, kuwaas oo tababar ku qaatay, kulliyada tababarada ee Carmo.
Ciidankaa oo sidii Militariga loo tababay qalab cukusna lagu hubeeyey ayaa waxay ka tirsanaan doonaan Ciidanka Birmadka Booliska Puntland, iyagoo amniga ka shaqayn doona.


























