Sawirro: Taliye Kuxigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland oo si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Taliye kuxigeenka labaad ee ciidanka booliska & hoggaanno ka tirsan Ciidanka

1a1a4a

30 April 2026 (Puntlandes.com) Taliye Kuxigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Taliye kuxigeenka labaad ee ciidanka booliska iyo hoggaanno ka tirsan Ciidanka.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob-joog ka ahaa saraakiil iyo hoggaanno kale oo ka tirsan ciidanka.

waxaa xilka si rasmi ah ula wareegay Taliye Kuxigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, isagoo kala wareegay taliye ku xigeenkii hore ee qaybtaasi.

Taliyaha cusub ee Hoggaanka CID, G/sare Maxamuud Cabdixakiim, ayaa xilka kala wareegay ku-simaha hoggaanka ahna taliye kuxigeenkii hore ee CID, G/sare Axmed Cumar. Sidoo kale, waxaa xilka Taliye Kuxigeenka Hoggaanka CID la wareegtay G/le Samiira Cabdullaahi Maxamed.

Dhanka kale, waxaa iyana xilka la kala wareegay Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Wacyigelinta Ciidanka Booliska Puntland, halkaas oo Taliyihii hore, G/sare Ayaan Cabdulle Qarbe, ay xilka ku wareejisay Taliyaha cusub G/sare Xuseen Cali Maxamed. Taliye Kuxigeenka hoggaankaas, Cabdi Khadar Maxamuud Axmed, ayaa isna si rasmi ah xilka ula wareegay.

Taliye kuxigeenka 1aad ee Ciidanka booliska Putland Gen Caydiid Axmed Nuur yaa uga mahadceliyay saraakiishii hore dadaalkii iyo shaqadii ay soo qabteen intii ay xilalka hayeen, iyagoo sidoo kale faray saraakiisha cusub in ay sii xoojiyaan hawlaha amniga, isla markaana laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan sugidda nabadgelyada iyo u adeegidda bulshada.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa soo dhaweeyay G/Dhexe Faadumo Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, iyagoo u rajeeyay in ay si hufan u gudato waajibaadka loo igmaday, kana qayb qaadato xoojinta ilaalinta deegaanka iyo amniga guud ee bulshada.

About The Author