Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir ku casumay madaxda golaha Mustaqbalka Soomaaliya

1a1a8

02 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fariin casumaad ah u diray madaxda golaha Mustaqbalka Soomaaliya, 10ka bisha , kaas oo aan la cadeynin halka uu ka dhacayo, loogana hadlayo doorashooyinka iyo nooca heshiis ee dhexmara kari dhinacyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.

Farsamadan ayaa u muuqata mid markale dowladda Faderaalka ay doonayso in ay golaha Mustaqbalka ku dhaafiso 15ka May iyo ka falcelinteeda, xili aysan wali ka tanaasulin doodaha waa weyn ee laysku hayo.

About The Author