Sawirro: Gaalkacyo kulan ballaaran oo lagu shaaciyey go’aamo laxiriira habraaca garnaqa iyo dhexdhexaadinta labada beelood ee Reer Ismaaciil (Meheri Ismaaciil) & Reer Khalaf (Cumar Maxamuud)
02 May 2026 (Puntlandes.com) Kulan ballaaran oo ay hogaaminayaan wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Beeraha & Waraabka Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa lagu shaaciyey go’aamo lagu nidaaminayaa habraaca garnaqa iyo dhexdhexaadinta labada beelood ee walaalaha a ee Reer Ismaaciil (Meheri Ismaaciil) iyo Reer Khalaf (Cumar Maxamuud), kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf u dhexeeyay.
Go’aamadaan ayaa ka dhashay dadaallo nabadeed oo isdaba joog ah oo ay Wasaaradduhu wadeen, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen wafdi ka socda labada gole ee Dowladda. Wafdigaas ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac, halkaas oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen guddigii hore ee dhexdhexaadinta. Intii ay socdeen kulamadaas, waxaa dib loogu noqday heshiiskii 2dii December 2025, kaas oo aan si buuxda loo dhaqangelin, taasoo horseeday dib u soo laabashada xiisadaha colaadeed.
Go’aamada cusub ayaa si cad u faraya labada beelood inay qaataan nabad buuxda, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo dib u hurin kara colaadda. Dowladda ayaa sidoo kale si rasmi ah ula wareegtay kiiska wiilka la isku hayo, iyadoo go’aamisay in lagu xukumo shareecada Islaamka, loona saaro guddi culimo ah. Habka garmaqalka ayaa la faray inuu noqdo mid daah-furan, oo ay si toos ah u tabinayso saxaafaddu.
Sidoo kale, waxaa la dejiyay jadwal rasmi ah oo lagu soo gabagabeynayo kiiska, kaas oo socon doona muddo laba bilood ah, kana bilaabanaya 02 May kuna eg 02 July 2026. Waxaa intaa dheer, Liibaan Tahaliil Xaaji ayaa lagu amray inuu Puntland yimaado muddo bil gudaheed ah. Dhanka kale, wixii dhibaato ah ee ka dhacay kadib heshiiskii hore waxaa dib loogu celinayaa guddigii dhexdhexaadinta si loo dhammeystiro.
Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ee labada beelood ayaa si rasmi ah u saxiixay aqbalaadda iyo u hoggaansanaanta go’aamada Dowladda, waxaana sidoo kale saxiixay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland. Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Beeraha ayaa ku booriay labada beelood inay ilaaliyaan nabadda, ayna si buuxda u fuliyaan go’aamada la gaaray, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Mudug.






















