Golaha Mustaqbalka “Marka la gaaro 16-ka May 2026, madaxweyne Xasan Sheekh waxuu noqonayaa mawaadin aan sharciyad heysan oo Villa Soomaaliya dhex fadhiya”

Skärmbild 2026-05-02 174305

02 May 2026 (Puntlandes.com) Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa warsaaxadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in marka la gaaro 16ka May 2026 ay madaxweyne Xasan Sheekh u aqoonsan yihiin mawaadin aan sharciyad heysan oo Villa Soomaaliya dhex fadhiya.

Golaha Mustaqbalka “Marka la gaaro 16-ka May 2026, madaxweyne Xasan Sheekh waxuu noqonayaa mawaadin aan sharciyad heysan oo Villa Soomaaliya dhex fadhiya”

Siyaasiinta Muqdisho ee ay saami qeybsiga wadaagaan Madaxweyne Xassan Sheikh oo Bayan kasoo saaray Muqdisho ayaa si cad u sheegay in 16ka May ay Madaxweynaha u aqoonsan yihiin muwaadin caadi ah, oo aan iyaga waxba dheereyn.

Doorashooyinka socda ayay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn doorasho Dambiil lagu sito oo ay Tan Baydhabo foolaad u tahay, ayna sharci darro u arkaan, ayna doonayaan doorasho leh sifooyinkan.

Doorashooyinka heer federaal waa in ay yeeshaan.

1- Heshiis siyaasadeed oo buuxa.

2- Hufnaan iyo kalsooni sare.

3- Waqti, amni iyo awood farsamo oo waaqici ah.

4- in dalka oo dhan hal mar lagaqabto.

5- in goobaha codbixinta la ballaariyo.

6- in aysan jirin cid xakameyn karta rabitaanka codbixiyaha

About The Author