Sawirro: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo furay tababar ku saabsan horumarinta xirfadaha Garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland

1a1a1a2

03 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay tababar ku saabsan horumarinta xirfadaha Garsoorka iyo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Tababarkan oo ay diyaarisay wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa lagu xoojinayaa aqoonta iyo hufnaanta bahda garsoorka.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa xusay in bulshada Puntland ay si wayn u sugayso helitaanka caddaalad dhab ah, taasoo saldhig u ah nabadgelyo, xasillooni iyo kalsooni bulsho, isagoo adkeeyay in hay’adaha garsoorku muujiyaan hufnaan, caddaalad iyo shaqo wanaag.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa ku booriyay ka qayb galayaasha inay ka faa’idaystaan fursadaan si ay u xoojiyaan waajibaadkooda shaqo oo ugu adeegaan bulshada si caddaalad ah.

About The Author