Madasha Samatabixinta “waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo kuhor istaagay bannaanbaxii nabadeed ee shalay..”
11 May 2026 (Puntlandes.com) Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxay si adag u cambaareynaysay tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo xilkiisu dhammaadka ku dhow yahay ku hor istaagay bannaanbaxii nabadeed ee shalay ay soo qaban qaabiyeen.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo ku hor istaagay bannaanbaxii nabadeed ee shalay xubnaha Madashu ka abaabuleen magaalada Muqdisho. Bannaanbaxaan oo ahaa mid nabadeed ayaa ujeedkiisu ahaa in loogu hiliyo shacabka hoygooda sida qasabka iyo sharci darrada ah looga barakiciyey, noloshoodiina la burburiyey” Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ku dhawaaqay in bannaanbax kale oo looga horjeedo dhulboobka iyo barakicinta shacabka ay caasimadda Muqdisho ka dhigayaan 16-ka May oo ku beegan sabtida soo socota.

