Faahfaahin: Baydhabo oo Ciidamada DFS dib ula wareegeen!
30 May 2026 (Puntlandes.com) Subaxii hore ee maanta ayaa Ciidanka taabacsan Laftagareen waxay gudaha u galeen magaalada Baydhabo, gaar ahaana agagaarka loo yaqaano afar Irdoodka, halkaas oo ah xudunta magaalada, ayna ku dhow yihiin xarumaha amniga ilaa wasaaradaha, iyadoo halkaas iska caabin xoogan ka dhacday, warar hordhac ah ayaa xaqiijinaya in dad kale duwan ay dhinteen.
Ciidamadaan ayaa ghacanta ku dhigay bartamaha magaaladan, waxaana saaka aroornimada hore la filayay in la dhaariyo xildhibaanadii kusoo baxay doorashadii ay DFS ka qabatay magaaladan, taas oo aan wali lagu guuleysan.
Afhayeenka ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in ay magaalada qabsadeen, hayeeshee dhinaca kale maamulka KMG ah ayaa beeninaya, wararkooda ayaan iskau dhex bilqan.
Dagaaal qraar kadib Ciidanka DFS ee Baydhabo ku sugan ayaa soo bandhigay baabuur iyo Maxbuus ay sheegeen in ay ka qabteen ciidankii Laftagareen ee gudaha u magaaladan aroornimadii hore ee saaka, qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ayayna ku dhawaadeen in ay ciidamadan galaan sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ka madax banaan 2da dhinacba, sida la gaarsiiyey Taliska ciidanka xoogga ee Muqdisho mid ka mid ah gaadiidka gaashaman ee CXD ayaa burbur culus la gaarsiiyey.
Saraakiisha dhanka Laftagareen waxay sheeganayaan in ay gaaren hadafkii u galeen magaalada, sidoo kale ciidanka DFS waxay sheegayaan in ay baabuur iyo maxaabiis ka qabteen ciidankii soo galay Baydhabo.
Tan la hubo waa in ay dhinaca Laftagareen doonayaan in ay xaqiijiyaan in gacan ku heynta Baydhabo lagu muransan yahay, amnigana uusan cidna gacanta ugu jirin oo ay qolo kasta markeeda gali karto.
Ugu dambayn maamulka Xasan Sheekh ayaa isku khilaafsan magac ubixinta Ciidanka Laftagareen, iyadoo Taliyaha Booliiska DFS ee gobolka Bay yiri “Falaago hubeysan ayaa soo weerartay Baydhaba”, halka Taliska Xooguna yiri “Khawaarij ayaa soo weerartay Baydhaba”