Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Bursaalax Gurey oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee Dagmada Bursaalax, imisa arday?
30 May 2026 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Degmada Bursaalax Gurey Cabdullaahi Khaliif ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee Dagmada Bursaalax kaas oo ay u fariisteen ardayda fasallada 8aad iyo fasalka 12aad oo tiradooda ay tahay 364 arday.
Guud ahaan Puntland oo ardayda imtixaanka Shahaadiga ah u fariisatay maanta ay ahaayeen 25,221 arday, iyadoo gobolka Mudug uu noqday gobolka ugu tirada badan ee ardaydu u fariisatay imtixaanka sanadkan, iyadoo tiradoodu gaartay 7,317 arday, taas oo ka dhigaysa kaalinta koowaad ee guud ahaan gobollada Puntland.
Degmada Bursaalax ayaa waxaa u fariisatay maanta imtixaanka Shahaadiga ah 544 arday oo isugu jira fasallada 8aad iyo fasalka 12aad, iyadoo ay 180 ka mid ah ka socdeen Iskuulo ku yaala magaalad iyo deegaanada hoos yimaada oo ay ka mid yihiin Laanmadow, Kuwayd iyo Riig-oomane.
Mashruuca Horumarinta Bursaalax ayaa waxaa maanta imtixaanka u fariistay 364 arday, iyadoo ardayda Macruuca ka yihiin guud ahaan degmada Bursaalac 67%.












