Muuqaal-Sawirro: MD kugeenka Jubaland “Madaxweynihii hore Xasan Sheekh awoodda & hubka ayaa ku cusub balse rag isaga ka awood iyo hub badnaa ayaa wax ku waayay”

1a1a10-6

31 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne-ku-xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Luuq.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga heshiisiinta, xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Wafdigan waxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay maamulka degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Wafdigu wuxuu safar dhulka ah kaga yimid magaalada Doolow, arrintaas oo muujinaysa nabadda iyo amniga ka jira deegaannada gobolka ee hadda si buuxda ay u maamusho Jubaland.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo guddoomiyaha guddiga heshiisiinta ayaa muddooyinkan ka shaqaynayay xoojinta nabadgelyada, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolka, kuwaas oo ay hore colaadi u dhex martay. Dadaalladooda waxay horseedeen in la soo afjaro khilaafaadkii jiray.

Dhanka kale, maamulka Jubaland ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta gobolka Gedo, isagoo meesha ka saaray ciidamadii ay dowladda federaalku ka soo dirtay Muqdisho, kuwaas oo lagu eedeeyay tacaddiyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka gobolka.

About The Author