Beesha Caalamka “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib ubilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna u gaaraan isafgarad ku saabsan hannaanka doorashada (roadmap)…”
01 june 2026 (Puntlandes.com) Beesha Caalamk ayaa warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen waxay walaac kaga muujinayeen xaaladda cakiran ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo dalbay wada hadal deg deg ah oo lagu gaaro geedi socod Doorasho loo dhan yahay oo laga heshiiyey.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna u gaaraan isafgarad ku saabsan hannaanka doorashada (roadmap), iyadoo loo eegayo danta dadka Soomaaliyeed. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wadahaddalada ay Soomaalidu hogaaminayso, haddii la weydiisto” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wakiilada Beesha calaamka ayaa caddeeyey in Soomaaliya ku jirto waqti xasaasi ah, ayna tahay in danta dalka al eego, lana helo Roadmap ama geedi socod doorasho Heshiis lagu yahay.
“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku dhiirrigelineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, ayna ka fogaadaan ficil kasta oo keeni kara in ay sii korodho xiisaddu” Ayey warsaxaafadeedka ku yiraahdeen.
