RW Khayre oo dagay meel u dhow Dalcada Sayidka

Skärmbild 2026-05-10 123148

02 june 2026 (Puntlandes.com) RW Xasan Cali Khayre ayaa ka baxay xayndaabka garoonka Muqdisho, wuxuuna dagay meel u dhow Dalcada Sayidka, oo ah marinka koowaad ee laga galo aagga Madaxtooyada, halkaas oo banaanbaxyadu ka billaaban doonaan.

Goobtan waa aag muhiim ah oo wax ka yar 1.2 kiiloomitir u jira Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo muujinaysa cadaadiska mucaaradka iyo dadaalkooda ay ku doonayaan in talada la isla xisaabtamo.

Dhanka kale, dowladda ayaa xirtay jidadka caasimadda intii ay awoodday, halka Mirinaayo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada MW Shariif Sheekh Axmed, arrintaas oo muujinaysa xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xooggan.

About The Author