Faahfaahin ku saabsan dagaalkii galabta ka dhacay Muqdisho

1a1a2-1

03 june 2026 (Puntlandes.com)Galabta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal muddo kooban socday, kaas oo ka dhacay agagaarka hoyga uu magaalada ka degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ee degmada Hawlwadaag una dhow villa Somalia, halkaasoo uu xalay u guuray.

Dagaalkan oo si lama filaan ah u qarxay ayaa cabsi geliyay dadka deegaanka, iyadoo rasaas culus ay muddo kooban ka yeereysay xaafadda.

Goobta iyo sida uu u dhacay dagaalka

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadku uu ka bilowday kadib markii maamulka mudo xileeedkiisu dhamaaday ee xasan Sheekh ay weerareen Guriga RW Khayre oo shir uga socday uuna ku sugnaa Ugaaska Beesha Murursade.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo socotay dhowr daqiiqo, taas oo keentay in waddooyinka qaar la xiro, halka dadka deegaanka ay guryahooda ku xayirmeen.

Khasaaraha la xaqiijiyay

Inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah ee khasaaraha aan weli si buuxda loo shaacin, wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in ay jiraan dad dhaawacmay, inkastoo tiradooda aan la caddeyn.

Xaaladda amniga iyo jawaabta dowladda

Dagaalkan galabta dhacay wuxuu kusoo beegmay xilli Muqdisho ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo abaabul mucaarad, sida ay wararku tilmaamayaan. Dowladda Federaalka weli kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan gaarka ah, balse saraakiil ammaanka ka tirsan ayaa sheegay in xaaladda hadda la dejiyay.

Barakaca shacabka

Shacabka ku nool xaafadaha ku dhow goobtii dagaalku ka dhacay iminkana la isku horfadhiyo  ayaa bilaabay inay guryahooda ka qaxaan iyadoo ay la soo daristay cabsi xooggan.

Dagaalkii galabta ka dhacay Muqdisho wuxuu mar kale muujinayaa sida ay weli u jiraan khilaafaad hubeysan iyo xaalado amni oo aan degganayn, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xiisado siyaasadeed.

About The Author