RW Khayre oo xaqiijiyey in markale caawa weerareen Ciidanka DFS

Skärmbild 2026-05-10 123148

03 june 2026 (Puntlandes.com) Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyrre ayaa xaqiijiyey in markale caawa weerar Ciidanka Dowladdu ay ku qaadeen hoyga uu ka daganyahay Xaafadda Barmuudo ee degmada Howl-wadaag.

Kheyrre ayaa qoraal ku yiri “Waxaa ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa mar kale weerar nagu soo qaaday iyadoo ay nala joogaan guddiga dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, taas oo caddeyn iyo tusaale nool u ah in Xasan Sheekh uu go’aansaday in uu dalka ka huriyo colaado hor leh iyo dagaallo sokeeye”

About The Author