Dowladda UK oo sheegtay inay si weyn uga xun tahay dagaalka ka dhacay Muqdisho
04 june 2026 (Puntlandes.com) Dowladda UK ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay dagaalka ka dhacay Muqdisho, kuna tilmaantay rabshadaha kuwo aan la aqbali karin. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dabacsanaan, sameeyaan tanaasul dhab ah, isla markaana bilaabaan wada hadal loo dhan yahay oo dhexdhexaad ah si xiisadaha jira nabad loogu xalliyo.
