Khayre oo ka baxay gurigii uu ka deganaa Barmuudea kadib dagaalkii ka dhacay halkaas
04 june 2026 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka baxay gurigii uu ka deganaa aagga Barmuudea ee magaalada Muqdisho, kadib dagaal xoogan oo ka dhacay muddo 20 saacadood ah.
Gurigaas ayaa waxaa lahaa Xildhibaan hore Jacfar oo ay isku beel yihiin Khayre, isagoo dib ugu noqday aagga Xalane oo markii hore degeganaa. maamulka Xasan Sheekh ee mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa u arka arintaan guul uu xukunka sifo xoog ah ugu joogi karo.