Dowladda Faderaalka oo Xisbi u aqoonsatay Agragixisada Alshabaab
06 July 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka gaashaandhiga DFS ayaa sheegay in ay Soomaaliya isku hayaan laba xisbi oo kala ah kan madaxweynaha JSP iyo nan kooxaha Argagixiso Alshabaab, waana markii 3aad oo ay wasiiro ku dhow madaxweynuhu adeegsadaan in kooxahan u aqoonsan yihiin Xisbi.
Wasiirka Gaashaandhiga DFS Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku wada loolamayaan laba xisbi oo kaliya kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin Xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP iyo kan kooxda Argagixiso Alshabaab oo uu Fiqi ku sheegay in ay yihiin xisbi ka dhisan Soomaaliya.
Fiqi waxa uu xisbiyada kale ku tilmaamay in ay yihiin Rooti maadama ay kubbadu sida uu sheegay dhex taallo kooxda Argagixiso Alshabaab iyo JSP.
Lama oga sababta keentay in dawladda Soomaaliya xisbi u aqoonsato kooxda Argagixiso Alshabaab oo ah koox gebi ahaanba ka soo hor jeedda dagaalna kula jirta dawladda Soomaaliya.