Sawirro: Guddoomiyaha PHA oo kormeeray Mashruuca Dib u dhiska Laamiga Dusmada & Gaalkacyo

1a1b1-1

06 July 2026 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle, ayaa maalmahaan si joogta oo maalin le ah kormeer shaqo ku tagayay mashruuca dib-u-dhiska laamiga qaybta Dusmada–Gaalkacyo, si uu ugu kuurgalo heerka uu marayo fulinta mashruucu.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyuhu wuxuu warbixin faah-faahsan ka dhagaystay injineerrada iyo masuuliyiinta gacanta ku haya hirgelinta mashruuca, iyo maamulka Shirkada Albaashid oo dhisaysa kuwaas oo ka warbixiyey heerka shaqadu marayso iyo qorshayaasha xiga.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu ku bogaadiyey hawl-wadeennada iyo injineerrada dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada reer Puntland, isagoo ku dardaarmay inay si gaar ah u xaqiijiyaan tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha laamiga.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Dowladda Puntland, iyadoo laga hirgelinayo dakhliga iyo cashuuraha shacabka reer Puntland, si loo horumariyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada.

About The Author