Madaxweynaha Dowladda Puntland oo daahfuray shiray kaqayb galayaan xubnaha Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud & Hay’adaha Dowladda & Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland

1a1a1-14

09 July 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay shir ballaaran oo ay ka qayb galayaan xubnaha Golaha Wasiirrada, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.

Shirkan oo ah madal heerkeedu sarreeyo ayaa ujeeddadiisu tahay isbarasho, is-dhaafsi xogeed iyo mideynta aragtida hoggaanka dowladda, si loo xoojiyo isku-duwidda hay’adaha, kor loogu qaado hufnaanta maamulka, loona dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha dowladda ee mudnaanta u leh horumarka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad xasaasi ah oo si qoto dheer u iftiimin doonta jiheynta siyaasadeed iyo maamulka dowladda, isaga oo tilmaami doona mudnaanta qorshayaasha xukuumadda, waajibaadka saaran masuuliyiinta heerarka kala duwan iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelinta siyaasadaha dowladda. Khudbadda ayaa sidoo kale la filayaa inay xambaarsanaato farriimo la xiriira xoojinta isla xisaabtanka, sare u qaadidda waxqabadka hay’adaha dowladda, dardargelinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha dowladda.

Shirkan ayaa ah gogol lagu mideynayo aragtida iyo istaraatiijiyadda masuuliyiinta dowladda, si loo xaqiijiyo isku-duwid, hufnaan iyo maamul ku dhisan wadajir, loogana jawaabo baahiyaha iyo danaha shacabka Puntland.

About The Author