Guddoomiyaha Degmada Bursaalax gobolka Mudug oo shaaciyay waqtiga dhismaha maamulada xaafadaha iyo degsiimooyinka hoos taga degmada Bursaalax.
12 July 2026 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Degmada Bursaalax gobolka Mudug Gurey Cabdulaahi Khaliif ayaa shaaciyay waqtiga dhismaha maamulada xaafadaha iyo degsiimooyinka hoos taga degmada Bursaalax.
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax ayaa si rasmi ah u shaaciyey in la qabanayo Doorashada Guddiyada Maamulka Degsiimooyinka iyo Xaafadaha Degmada Bursaalax, taas oo socon doonta muddo 45 cisho ah, kana bilaaban doonta 12-ka Luulyo 2026 kuna soo gebogeboobi doonta 25-ka Agoosto 2026.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka ku dhaqan Degmada Bursaalax inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan doorashada, isla markaana ay si mug leh uga qayb qaataan, si loo helo guddiyo hufan oo matala bulshada kana shaqeeya horumarinta degsiimooyinka iyo xaafadaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulka Degmada Bursaalax uu soo saari doono habraaca iyo jadwalka rasmiga ah ee doorashada, isagoo bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan wadajirka, nabadda iyo is-xushmeynta inta uu socdo geeddi-socodka doorashadu.
