Sawirro: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Qaabilay Wefti ka Socday Dowladda Sweden (SIDA) iyo Save the Children
13 July 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wefti ballaaran oo ka socday Dowladda Sweden (Sida) iyo Hay’adda Save the Children (SCI), kuwaas oo taageera Mashruuca Horumarinta Adeegyada Caafimaadka ee gobollada Bari iyo Raas-Casayr.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga gaaray nidaamka caafimaadka Puntland, baahiyaha mudnaanta leh, guulaha laga soo hooyey Mashruuca Community Health and Social Accountability Program (CHASP III), hirgelinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Caafimaadka Puntland (HSSP III 2026–2030), iyo Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka (Puntland Cost Recovery Policy) oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland.
Wasiirka ayaa ugu horreyn si diirran ugu soo dhoweeyey weftiga Dowladda Sweden iyo Save the Children, isagoo uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo shacabka Puntland.
Wuxuu sheegay in muddadii koobnayd ee hoggaanka cusub ee Wasaaraddu xilka hayey ay mudnaanta koowaad siiyeen dib-u-habayn lagu sameeyey waaxyaha muhiimka ah ee Wasaaradda si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo tayada adeegyada caafimaadka. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in dib loo dhisay Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, isla markaana la magacaabay Machadka Caafimaadka Dadweynaha Puntland (PPHI), kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xoojinta qorsheynta caafimaadka.
Isagoo ka hadlayey Mashruuca CHASP III, Wasiirku wuxuu sheegay inuu yahay mashruuc muhiim u ah Wasaaradda Caafimaadka, maadaama uu taageero 74 xarumood oo caafimaad iyo 531 shaqaale caafimaad oo ka shaqeeya 7 degmo oo ka tirsan gobollada Bari iyo Raas-Casayr. Waxa uu xusay in xarumaha mashruucu taageero ay sannadkii tegay adeegyo caafimaad iyo nafaqo gaarsiiyeen ku dhowaad 1.5 milyan oo qof, taasoo si cad u muujinaysa saamaynta iyo muhiimadda mashruucu u leeyahay bulshada Puntland.
Weftiga Dowladda Sweden (Sida), oo ay hoggaaminayeen Mary iyo Judy, ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ka samaysay ballaarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka, iyagoo si gaar ah u ammaanay hirgelinta siyaasadaha lagu dhisayo nidaam caafimaad oo waara, tayo leh, isla markaana iskii isu maareyn kara.
Dhanka Save the Children, waxaa kulanka ka qaybgalay Dr. Binyam Gebru, Ku-xigeenka Madaxa Save the Children Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Casayr, Madaxa Save the Children Puntland, Salad Iidle, Mohamed Magan, iyo masuuliyiin kale.
Dhanka Wasaaradda, Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Mayan Ahmed Osmaan Wasiiru-Dowlaha Ali Mohamed Osman Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi kusimaha agaasimaha qorshaynta Abdirisaaq Mohamed Artan iyo masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, iyadoo berri si rasmi ah loo daahfuri doono Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka iyo wajiga koowaad ee hirgelinteeda, taas oo laga bilaabayo shan isbitaal oo kala ah Ufeyn, Bargaal, Caluula, Isku-shuban iyo Balli-dhidin ee gobollada Bari iyo Raas-Casayr. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo adeegyo caafimaad oo tayo leh, waara, isla markaana si siman u gaara bulshada Puntland.








