Sawirro: Puntland-Gobolka Bari oo Noqday Halkii Ugu Horreysay Soomaaliya ee laga Hirgeliyo Nidaamka Casriga ah ee Taraafikada (Traffic Digital System)
15 July 2026 (Puntlandes.com) Gobolka Bari oo Noqday Halkii Ugu Horreysay Soomaaliya ee laga Hirgeliyo Nidaamka Casriga ah ee Taraafikada (Traffic Digital System).
Gobolka Bari ayaa maanta galay bog cusub oo taariikhi ah, kadib markii si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey tababar lagu hirgelinayo Puntland Traffic Digital System, kaas oo ah nidaam casri ah oo ay adeegsadaan dalal badan oo caalamka ah si loo maareeyo shaqada taraafikada.
Tababarka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland ayaa lagu baray ciidamada Taraafikada Gobolka Bari isticmaalka Traffic Application System, adeeg-bixin hufan (Good Service), iyo xeerarka taraafikada. Nidaamkan cusub wuxuu xoojinayaa daahfurnaanta shaqada, yareynta shilalka, ilaalinta nafta iyo hantida, iyo kor u qaadidda dakhliga dowladda.
Mashruucan waxaa hirgelisay Badbaada Service iyadoo kaashanaysa Hoggaanka Taraafikada Puntland,Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta , iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Waxaa la filayaa in nidaamkan dijitaalka ahi uu suurtageliyo in si toos ah loola socdo waxqabadka askarta taraafikada iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
Maanta waxaa si rasmi ah u billowday shaqada Puntland Traffic Digital System, taas oo astaan u ah horumar cusub oo ku wajahan casriyeynta adeegyada Taraafikada Puntland.

















