10 xildhibaan oo ka tirsanaa maamulka Waqooyi-bari ayaa u goostay Somaliland

1a1a2

24 July 2026 (Puntlandes.com) Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in 10 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo uu hoggaaminayo Xildhibaan lagu naanayso Camo Camo ay u goosteen dhinaca Somaliland.

Wararka ayaa tilmaamaya in xildhibaannadu ay ku safreen Bus u kala goosha Dowladd deegaanka Soomaalida iyo Puntland.

Xildhibaanadaan ayaa ka baxay magaalada Garowe waxayna ka leexdeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kadibna waxay ka gudbeen magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo DDS, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xildhibaanadaan ayaa waxaa Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland ka socota qaban qaabada soo dhawayntooda.

About The Author