Maamulihii Dugsiga Sare ee Cumar Samatar oo xilkii ku wareejiyey maamule ku xigeenka dugsiga

1a1a3

24 July 2026 (Puntlandes.com) Maamulihii Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah xilkii iyo furayaashii dugsiga ugu wareejiyey maamule ku xigeenka dugsiga, Nuuradiin Cabdicasiis Warsame (Caseyr).

Maamulihii hore, Cabdifataax Gurey Aw Khalaf, ayaa xilka loo magacaabay 6dii Luulyo 2023. Mudadii uu xilka hayey maamuluhu, oo gaartay ku dhowaad saddex sano, wuxuu dugsiga ka hirgeliyey isbeddello iyo horumarro kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Dib-u-habayn lagu sameeyey dhismaha dugsiga, gaar ahaan albaabbada hore.

2. Horumarin lagu sameeyey qalabka kombiyuutarrada (Computer Lab).

3. Qalabaynta iyo tayeynta Science Lab-ka.

4. Dhireyn iyo bilicayn lagu sameeyey deegaanka dugsiga.

5. Soo kordhinta tartamo iyo tacliin dhiirrigelin ah.

6. In ardayda kaalmaha hore gasha loo sameeyo fasallo gaar ah oo loogu diyaariyo tartamada iyo imtixaannada heerka Puntland.

7. Intii uu xilka hayey, dugsigu wuxuu galay 10-ka dugsi ee ugu sarreeya Puntland.

8. Nidaamka shaacinta natiijooyinka imtixaannada oo loo beddelay hab dijitaal ah (Digital).

9. Soo kordhinta tartamada ciyaaraha iyo barnaamijyada isdhexgalka ardayda.

10. Dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey naqshadda xafiisyada dugsiga.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in muddo 15 maalmood gudahood ah lagu dhawaaqo maamulaha cusub ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar. Sida la sheegay, magacaabista maamulaha cusub waxay ku iman doontaa hannaan ka duwan kii hore ee Wasaaradda Waxbarashadu adeegsan jirtay, iyadoo markan lagu soo xulan doono tartan furan.

About The Author