Kulan Xalene ka dhacay oo si cad u bayaamiyey inay Reer Galbeedku go`aansadeen in shaqaalaha & diblumaasiyadda kala noqdaan………
25 July 2026 (Puntlandes.com) Mid kamid ah Safiirada dalalka reer galbeedka oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, saameyna xooganna ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka haysta dhalashada dalkiisa oo ay ku jiraan xubno u shaqeeya Hay’addaha DFS, isagoo si cad ugu sheegay in ay ka niyadjabsan yihiin Soomaaliya jihada ay u socoto, ayna dhankooda go`aamo waa weyn gaareen, kuwaas soo shaac bixi doona 60ka cisho ee nagu soo wajahan haddii aysan siyaasiinta Soomaalidu ka heshiinin arrimaha doorashooyinka.
Kulankan oo ka dhacay mid kamid ah rugaha kuyaala xayndaabka Xalane ayaa intii uu socday safiirkan Shisheeye ee ah, si cad u bayaamiyey in ay dhankooda go`aansadeen in shaqaalaha ilaa diblumaasiyiintooda laga saaro Muqdisho, ka dibna ay kuxigayso safaaradda oo la xirayo, kaliyana beegsiga madaxda Argagixisada laga hagi doono meelo kabaxsan Koonfurta dalka, taas oo kusheegay in ay tahay mid lagu ilaalinayo amnigooda Qaranka, halistana halkeeda lagu dabargoynayo, laakiin aysan caawin dambe ku bixin doonin amniga Soomaaliya.
Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ka qeybgalayaasha madashan, safiirkan ayaa si weyn u dhaleeceeyey go`aanka dowladda Faderaalka ee ay hal dal ugu saxiixday kheyraadka dalka ilaa go`aano saameyn kuyeelanaya Istaraajiyadooda Geeska Afrika.
Sidoo kale safiirkan ayaa muujiyey sida uga niyadjabsan yahay doodihii ay dhinacyada Soomaalida isla horfariisteen 2 kulan oo uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Xayndaabka Xalane 7dii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo aan waxba natiijo ah kasoo bixin ilaa hadda.