Midowga Yurub oo qorsheynaya inuu joojiyo duulimaadyadiisii isku xirayay Nairobi & Muqdisho
25 July 2026 (Puntlandes.com) Midowga Yurub (EU) ayaa qorsheynaysa inuu gebi ahaanba joojiyo duulimaadyadiisii gaarka ahaa (chartered flights) ee isku xirayay magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, kuwaas oo ay adeegsan jireen diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha sare, iyadoo duulimaadkii ugu dambeeyey la filayo inuu noqdo 13ka bisha August.
Go’aankan ayaa la xaqiijiyey inuu salka ku hayo daruufaha qalafsan ee Soomaaliya kataagan, duulimaadkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee ka haray 3 duulimaad oo ay horay u bixin jireen hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub, kuwaas oo hadda dhammaan hawlahoodii la joojiyey.
Xaaladdan isbedeshay darteed, shakhsiyaadka sarsare iyo xubnaha muhiimka ah ee ay arrintan saameyneyso ayaa si degdeg ah lagula taliyay inay safarkooda galaan oo ay dalka isaga baxaan kahor waqtiga kama dambeysta ah ee 13ka August.