War‑saxaafadeedka Dowladda Puntland oo digniin adag u dirtay Galmudug, Beesha Caalamkana ugu baaqday…..

1a1a3

25 July 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Puntland waxay soo saartay war‑saxaafadeed ay ku caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan arrimo amni iyo xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka deriska ah ee Galmudug.

Qodobbada ugu Muhiimsan War‑saxaafadeedka Dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin:

  • Waxay caddeysay in aysan jirin Ciidan la yiraahdo PSF (Puntland Security Force) oo si sharci ah uga tirsan Ciidamada difaaca Puntland.
  • Puntland waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Dowladda Federaalka Soomaaliya u diiwaangashan oo ka howlgela gudaha Puntland.
  • Puntland waxay uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan ku soo xadgudbin dhulka Puntland, iyadoo si gaar ah u xustay hadallo ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya.
  • Puntland waxay baaqday Galmudug inay ka waantoowdo in saanad Ciidan iyo Malyshiyaad soo maraan dhulkeeda iyo Garoomadeeda.
  • Waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay kaalin ka qaataan xoojinta nabadda iyo iskaashiga gobolka.
  • Ugu dambayn, Puntland waxay ku boorisay shacabkeeda in ay u istaagaan difaaca dhulkooda, amnigooda iyo madax‑bannaanidooda.

About The Author