Shan Xildhibaan oo ka tirsanaa Woqooyi Bari ayaa shaaciyey inay is casileen
26 July 2026 (Puntlandes.com) Shan xildhibaan oo Laascaanood ka tagay ayaa shaaciyey inay inay iska casileen xilkii xildhibaanimo ee maamulka WB.
“Waxa noo cadaatay in wixii aan Laascaanood ku soo dhisnay aysan u adeegin danaha dadkayaga.” Warsaxaafadeedka ayey ku sheegeen mudanayaashaan oo ka soo jeeda gobolada Sanaag & Haylaan.
Magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanadaan ayaa kala ah:
1. Axmed Cali Agam: Dubays/Warsangeli.
2. Axmed Caabi Xasan: Reer XaajiWarsangeli.
3. Makhtal Siciid Toor: Bah Majeerteen/Warsangeli.
4. C/salaan C/Laahi Maxamed: Reer Saalax/Warsangeli.
5. Sadiiq Jaamac Muuse: Warlabe/Warsangeli.
Dhanka kale kulan uu yeeshay Baarlamanka MB ayuu xasaanad ka qaadis ku sameeyey shan xildhibaan oo ka baxay maamul kaasi, kuwaas oo aan iyagu weli caddayn halka ay aadeen.
