Hub, Saanad & Qalab ciidan oo badan oo dawladda Puntland ka heshay xerooyinka ay la wareegtay
06 Aug 2026 (Puntland.com) Hub, Saanad Ciidan iyo Qalab ciidan oo badan ayey dawladda Puntland ka heshay xerooyinka ay la wareegtay, waxayna qayb kayihiin saanad ciidan oo maamulka xasan Sheekh uu u daabulay Puntland mudooyinkii u dambeeyey.
Hubkaan ayaa waxaa horey loogu diiday ciidamadii ku jiray la dagaalankii Argagixisadii Daacish ee Calmiskaat, halka loo ogolaaday in loo raro ciidamo loo diyaariyey in ay damaca Xasan Sheekh hirgaliyaan, hayeeshee taasi ma noqon mid hirgasha.
Maanta hubkaan ayaa ku jira gacanta ciidanka dawladda Puntland oo horey looga ilaalinayay, taas oo ka dhigan Hubeyn aysan Villa Somalia kutalo galin, sidan oo kale Raskambooni ayay ka dhacday.

