Sawirro: Jubaland & Mareykanka oo kawada hadlay bilaabida howlgalka xoreynta deegaanada ay wali haystaan kooxaha Argagixiso

1a1a11

07 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye.

About The Author