Sawirro: Madaxweyne Cirro oo kulan Nairobi kula yeeshay wakiilada Beesha caalamka
07 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo lahadlayay wakiilada Beesha caalamka oo kula kulmay Kenya ayaa sheegay in aysan Soomaliland baadigoobeyn deeq & Gacanhoorsi ee ay rabto iskaashi wax is dhaafsi ah.
Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in Somaliland ay doonayso iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag iyo wax-wada-qabsi, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed iyo gacan-hoorsi.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in uu 6,000 maleeshiyo beeleed ah hubka kadhigay oo tababaray kuna daray ciidamada SL, wada hadalna ka galay arrimaha Galbeedka, sidoo kalena uu mar kasta nabad ka shaqeynaya, gaar ahaana dhinaca gobalka Sool.















