Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Gaalkacyo
08 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kulamo kula yeelan doonaa qaybaha bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka 2da heer.
Qodobada ugu muhiimsan safarka madaxweynaha ayaa ah amniga & kala dambaynta gobalka, sidoo kale dib u eegista nidaamka ilaa mashaariicaha gobalka ayaa socda.
Deni ayaa xalay uga safray Garowe magaalada Gaalkacyo, tan oo ka dhigan in Puntland oo kaliya ay Soomaaliyada Faderaalka ah suuragal tahay in habeenkii loo kala safro gobalada, gaar ahaana madaxda sare.