Warbixin: Alaabta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ay xaraashayso
09 Aug 2026 (Puntland.com) Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxay xaraashaysaa Agabkeedii Koonfurta dalka u yaalay.
UNSOS waxay qorshaynayso inay xaraasho alaabo kala duwan oo hore uga tirsanaa hay’adda, kuwaas oo loo adeegsan jiray hawlaha taageerada ee Soomaaliya. Alaabtu waxay u kala baxaysaa dhowr qaybood oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Qalabka IT‑ga: kombiyuutarro, laptop‑yo, taleefanno iyo agab kale oo farsamo.
- Qalabka korontada: TV‑yo, nalal iyo qalab kale oo koronto.
- Qalabka xafiisyada: mashiinnada burburinta waraaqaha, fax‑yo iyo qalab kale oo xafiis.
- Qalab dhisme iyo amni: kontaynarro badeed, watch‑tower‑ro amni, qalabka biyaha lagu sifeynayo, iyo agab dhisme oo prefabricated ah.
- Gaadiid iyo mashiinno culus: baabuur, matoorro, generator‑ro, iyo mashiinnada dhismaha ee culus.
- Qalab caafimaad iyo shaybaar: agab caafimaad iyo qalab shaybaar oo kala duwan.
Ujeeddadu waa in la helo shirkado xaraash sameeya oo sharciyaysan, ka diiwaangashan UNGM, isla markaana joogto ka ah gudaha Soomaaliya, si ay u maareeyaan iibinta alaabtan muddo saddex bilood ah oo lagu kordhin karo sadex kale.
Xafiiska UNSOS oo dhawaan Mareykanka ku dhawaaqeen in ay ka jarteen kaalmadii ay siin jireen ee lagu taageeri jiray amniga Soomaaliya ayaa waxay ka dhigan tahay in ay UNSOS ka quusatay gabi ahaanba in ay ka howlgasho Soomaaliya, siina wado shaqooyinkeeda taageerada dhinaca hawada & Farsamada ee ciidamka Midowga Afrika, xataa haddii la helo cid buuxiso.
Beesha caalamka ayaa sii yaraynaysa joogisteeda Soomaalida ee siyaasad, amniga iyo dhaqaalaha.
