Muuqaal: Qaar kamid ah saraakiishii lagu qabtay dagaalkii Galkacyo “Shacabka Puntland waxaan u sheegaynaa inaan joogno xaafaddeenii 2aad, wax walba aan u baahnayn ayaan ka helnay ciidanka Asluubta”
09 Aug 2026 (Puntland.com) Xabsiga weyn ee Magaaladda Garowe ayaa waxaa maanta loo qaybiyay agab Maxaabiis tiradoodu ay tahay 120, kuwaas oo ka mid ahaa ciidankii PSF ee lagu qabtay xerada Gaalkacyo.
Maxaabiista ayaa waxaa ka soo dhax muuqday Giijaale iyo Shiine oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka PSF ee hadda maxaabiista ah.
“Shacabka Puntland waxaan u sheegaynaa inaan joogno xaafaddeenii 2aad, wax walba aan u baahnayn ayaan ka helnay ciidanka Asluubta”, Qaar kamid ah saraakiishii lagu qabtay dagaalkii Galkacyo.