Muuqaal-Sawirro: Jubaland “Turkigu waa Gumaysi cusub ee Soomaaliya ku soo duulay, waana inoo dagaal”

1a1a10

06 Sep 2026 (Puntland.com) Guddoomiyaha Degmada Kismayo Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa ka qaybgalay Mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo Duqeyntii Doolow ee lagu dili lahaa Gen Shub.

Mudaaharaadka xooggan oo ay shacabka reer Kismayo ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan duqeyntii ka dhacday Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

“Turkigu waa Gumaysi cusub ee Soomaaliya ku soo duulay, waana inoo dagaal” Guddoomiyaha Degmada Kismayo Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne)

Mudaaharaadka ayaa lagu cambaareeyey duqeynta ay geesten diyaaradaha Dowladda Turkiga, taas oo shacab masaakiin ah ku waxyeelleysay deegaanka Doolow.

Duqa Magaalada Kismaayo ayaa intii uu mudaaharaadku socday garab istaagay shacabka, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay waxyeellada loo geystay dadka rayidka ah.

About The Author