Sawirro: Kulanka Dadwaynaha & Dowladda Puntland

1a1b1a2

07 Sep 2026 (Puntland.com) Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tignoolojiyadda , Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland ayaa markii labaad qabatay kulanka Dowladda iyo Dadwaynaha.

Kulankaan oo ujeeddadiisu tahay isu soo dhawaynta bulshada iyo dowladda, si kor loogu qaado wacyiga dadwaynaha ayna si joogto ah ula socdaan hawlaha iyo shaqooyinka ay dowladdu bulshada u hayso.

Kulankan oo ay caawa marti ku ahaayeen Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha, Deegaanka iyo Gargaarka ayaa waxaa furitaanka kalmado ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Dalladda Bulshada Rayidka ee PUNSAA, Guddoomiyaha Dalladda Saxafiyiinta Puntland ee MAP, Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Puntland, Xildhibaanno katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe.

Wasriirrada martida ah ayaa warbixinno ka jeediyey Waajibaadka Wasaaradaha iyo shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxayna sidoo kale ka jawabayen su’aalaha bulshada ay ka waydiinayeen masuuliyadohooda, waxaana kulanka si gaar ah xoogga loogu saaray xilli roobaadkaan iyo roobabaka badan ee la filayo iyo khataraha laga filan karo.

About The Author