Muuqaal: Madaxweyne Deni “Heshiis kasta oo naga la dhexeeyey DFS waa la laalay, si gaara ayaan u dhaqmaynaa inta Soomaali isaga imanayso, dadka Xamar naga joogana waa dad shaqo tegey….”
08 Sep 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha dawloadda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Baargaal oo oo safar shaqo ku jooga ayaa sheegay in Puntland si gaar ah isu maamulayso inta laga helayo soomaali heshiis ah iyo dastuur heshiis lagu yahay maadaama Xasan Sheekh laalay dastuurkii dalka.
“Heshiis kasta oo naga la dhexeeyey Federaalka waa la laalay , si gaara ayaan u dhaqmaynaa inta Soomaali isaga imanayso, dadka Xamar naga joogana waa dad shaqo tegey….” Madaxweyne Deni
Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay Masuuliyiinta ka midka Baarlamaanka iyo xukuumadda mudo xileedkoodu dhamaaday ee kasoo jeeda Puntland shaqsiyaad “shaqo tagay”