Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS “Aad baan uga naxay in calanka Turkiga lagu gubay dalkeenna, waa wax laga xumaado waa ajande ay shisheeye nagu soo dhex tuureen si ay inoogu diraan walaaleheen inoo soo gurmaday & saaxiibkeenna dhabta ah”
10 Sep 2026 (Puntland.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday Cabdulqaadir Maxamed Nur (madaxaa i furan) ayaa sheegay inuu aad baan uga naxay in calanka Turkiga lagu gubay Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa ku sheegay falkaasi in uu yahay wax laga xumaado ahna ajande shisheeye loogu adeegayo si ay shacabka Soomaaliyeed ugu diraan walaalehood usoo gurmaday ee Turkiga waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Aad baan uga naxay in calanka Turkiga lagu gubay dalkeenna, waa wax laga xumaado waa ajande ay shisheeye nagu soo dhex tuureen si ay inoogu diraan walaaleheen inoo soo gurmaday & saaxiibkeenna dhabta ah.” Guddoomiye Cabdulqaadir MaxamedNur