MD Sheekh Shariif oo beeniyey sheegashada maanta ay baahisay NISA ee la xiriirtay eedeymo loo jeediyey illaalada Madaxweynaha oo ka tirsan ciidanka Qaranka, kuna baaqay…..

1a1a16

11 Okt 2026 (Puntland.com) Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa wuxuu warsaxaafadeed uu soo saaray si cad ugu beeniyey sheegashada maanta ay baahisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), taasoo ay ku soo bandhigtay eedeymo sida uu sheegay aan xaqiiqo ahayn iyadoo illaalada Madaxweynaha oo ka tirsan ciidanka Qaranka ku sifaysay Malayshiyaad sharci daro ah.

“Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhacdooyin taxane ah oo walaac amni abuuray, kuwaas oo ay ka mid yihiin jidgooyooyin iyo xannibaadyo saameeyey isu-socodka agagaarka deegaanka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la hor-istaagay adeegyada daruuriga ah ee nolol maalmeedka sida biyaha, cunnooyinka iyo wixii la mid ah, hase-yeeshee laga muujiyay dulqaad, si looga fogaado isku dhac hubeysan.

Waxaa intaa dheer in afduub lagula kacay qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta Madaxweynihii hore, iyadoo ay jirtay walaac ku saabsan joogitaanka ciidamo hubeysan oo lasoo dhoobay goobaha ku dhow guriga Madaxweynaha, balse marar badan la iska indha tiray in laga falceliyo, si shacabka deegaanka loogu turo, loona illaaliyo ixtiraamka loo hayo dowladnimada nugul.” Warsaxaafadeedka Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa lagu yiri.

About The Author